Thursday, April 24, 2025

Wasiirka Amniga: “Cid kasta oo Carqalad ku ah Amniga Gacan Bir ah ayaa lagu qabanayaa…”

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shegay in ciddii ka hor timaada go’aanadda Amniga ee caasimadda tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

“Sugitaanka Amniga Muwadaaniinta Soomaaliyeed cid walba oo carqalad ku ah, waxaa lagu qabanayaa gacan bir ah, Qori iyo hub waxba ma soo kordhinayo, magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe waa lagu nool yahay hubna laguma wato..” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Wuxuu intaas ku daray in ujeedkoodu yahay Saddexda Bilood ee socota in magaalada Muqdisho laga dhigo magaalo ka caagan  hubka.

Ad
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)

Wasiir Ducaale ayaa ka hormuud u ahaa taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee shirka jaraa’id ku qabtay madaxtooyada, iyadoo looga dhawaaqay amarro cusub oo laga soo saaray sugidda ammaanka caasimadda.

Wasiirka Amniga ayaa ku dooday in ammaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagay maalmihii ugu dambeeyay, ciidamada howlgalka wadana ay sii kordhiyaan dadaalkooda.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON