Friday, March 28, 2025

Wasiiradii Xukuumadda oo la hoos geeyay shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya iyo fadeexad qabsatay Wasiirka Warfaafinta

Shaqaalaha xafiiska madaxtooyada ayaa markii horeysay ay u suuragashay inay ka awood badiyaan xubanaha golaha wasiirada ee xilka sii haya kadib markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabta xukuumada Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed Sabtidii 6-da Disembar 2014.

KOOX WASIIRO AH OO KU SUGAN GAROONKA MUQDISHO
KOOX WASIIRO AH OO KU SUGAN GAROONKA MUQDISHO

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Mustaf Dhuxulos ayay ku dhacday fadeexad weyn kadib markii socdaal u qorsheynaa inuu dibadda ugu safro uu ku soo beegmay wareegtadii kasoo baxday Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo safarrada dibadda looga mamnuucay xubnaha golahawasiirada inta ay xilka wareejinayaan. Wareegtada Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale amar ku bixisay in mas’uulkii safar dibadeed u b axaya laga doonayo inuu fasax ka qaato madaxweynaha.

Wasiir Mustaf oo ka mid ahaa xubnihii taageersanaa Ra’iisal wasaaraha ayaa loo sheegay inuusan isku imaan garoonka isagoo aan wadan fasaxa madaxweynaha, sida uu ku soo wargeliyay Agaasimaha waaxda socdaalka Gen. Gaafow; waxaana dhacday inuu dadaal weyn u galo sidii uu fasaxaas ku heli lahaa, kadib markii uu ku dooday inay howlo muhiim ah oo hore ugu balansanaa u safrayo, isagoo codsigaas ula tegay agaasime kuxigeenka madaxtooyada Saadaq C/kariin kuna qaadatay muddo aan yareyn inuu qanciyo.

Ad

Codsi badan iyo caddeyn uu ka bixiyay wasiirku safarkiiska kadib ayaa la sheegay inuu Saadaq warqad ogolaansho ah u qoray Wasiirka Warfaafinta, sidaasina ay ugu suuragashay inuu manta uga dhoofo dalka.

GOOBJOOGE.COM

MUQDISHO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON