Friday, March 21, 2025

Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo laga joojiyay inay heshiisyo galaan (Akhriso amar culus oo lagu soo rogay -Wareegto-)

wareegtomcc

Wareegto lagu mamnuucayo in Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay heshiisyo iskood ah galaan wixii ka dnmbeeya 18-ka May 2015 ayaa laga soo saaray Xafiiska Ra’iisal wasaaraha kuna saxiixnaa ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyadoo wixii hadda ka dambeeya wasiirada laga doonayo inaysan heshiis geli karin, kuna qasban yihiin inay marka hore heshiiska hor keenaan Golaha wasiirada, kadibna halkaas looga doodo oo lagu ansixiyo ama la diido, markaas kadib ayuu wasiirku heshiis geli karaa.

wareegtomcc

Ad

Go’aankan caaqiibada leh waxaa ku saxiixan ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte oo wareegto uu soo saaray ku socodsiiyay dhammaan xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya. Arrintan ayaa noqoneysa mid looga hortegayo heshiisyo mugdi ah oo wasiirada qaakood saxiixi jireen iyagoo aan kula soo laaban golaha wasiirada, kuwaasoo musuq badan iyo jaha wareer laga dhaxlay sida heshiisyadii Dekadda iyo Garoonka Muqdisho lagu bixiyay maamulkooda.

Wareegtada waxay kaloo wasiirada ku amartay inay xubnaha wasiirada ay xafiiska Ra’iisal wasaaraha geeyaan dhammaan heshiisyada hore ay ula galeen dhinac kale, sida dowlad, Shirkado, Ganacsato madax bannaan ama shaqsiyaad si sharciga loo waafajiyo.

Heshiisyada ay galaan wasiirada xukuumadda Soomaaliya waxaa ugu danbeeyay heshiis uu dhowaan shaaciyay inuu shirkad Turki ah la soo galay wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha, taasoo la sheegay inay hubin doonto tayada alaabta dalka laga dhoofiyo iyo kuwa la keeno.

- Advertisement -

Waa tallaabo hore loogu qaaday dhinaca horumarinta sharciga, wuxuuna mudan yahay Ra’iisal wasaare ku xigeenka in lagu bogaadiyo.

Hoos ka akhri Wareegtada Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Wareegto-MCC

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON