Kulan la sheegay inuu ahaa kii afraad oo ay yeesheen Wasiirada Waxbarashada dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ka dhacay Magaalada Baydhabo intii u dhaxeysay 30-ka Maarso ilaa 1-da Apriil 2019.
Shirkan waxaa laga soo saaray qoddobo dhowr ah iyo go’aano ku saabsan imtixaanka dowladda, waxbarashada dalka, Manhajka, horumarinta Af-ka Soomalaiya iyo arrimo kale iyadoo la taageeray go’aankii Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka ee ahaa inaysan Jaamacadaha qaadan karin arday aan gelin imtixaanka dowladda.
1. IMTIXAANAADKA
Xogta waxbarashada ee gobolada dalka, sida Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, waxaa u xilsaaran Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada.
B) Arday kasta oo imtixaanka shahaadiga ah ku galay gobolada, kana gudbay, waxa uu shahaadada dugsiga sare ka qaadanayaa Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedkiisa.
T) Arday kasta oo gala imtixaanka dowladda kana gudba, wuxuu xaq u leeyhay helitaanka shahaadadiisa isaga oo aan lagu xireyn shuruudo kale.
J) Waxaa la soo dhoweeyey go’aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee la xiriiray in aan Jaamacadaha dalka loo ogolaan arday aan wadan shahaadada dowladda.
X) Waxaa la go’aamiyay dhismaha iyo hawl-galinta guddiga imtixaanaadka qaranka hor sannadka 2020.
KH) Laga billaabo sannad dugsiyeedka 2019/2020, imtixaanka fasallada 8aad iyo 12aad ee shahaadiga ah waxaa qaadi doona shahaadadana bixin doona wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha heer dowlad goboleed oo kaliya.
2. HORUMARINTA MACALLINKA
Siyaasadda iyo habraaca maamulka iyo tababarka macallinka waxaa masuul ka ah wasaaradda waxbarashada iyada oo la tashanaysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada iyo daneeyeyaasha waxbarashada. Waxaa la isla qaatay in laqaado talaabooyin lagu tobabarayo macalimiinta iyo tayayntooda.
B) Jaangoynta mushaarka macallinka Soomaaliyeed waxaa lagu go’aamin doonaa kulan ay yeelan doonaan wasiirada waxbarashada ee heer federaal & heer dowlad goboleed.
T) Arimaha la xiriira macallimiinta waxaa masuuliyada iska leh wasaaradaha heer dowlad goboleed, halka doorka wasaaradda federaalku uu noqonayo daba gal iyo hubin.
J) Shirku waxa uu soo jeediyey in baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan nidaam canshuureed oo lagu taageerayo waxbarashada.
3. MASHAARIICDA WAXBARASHADA
Waxaa la isku raacay in mashaariicda waxbarasho ee ay bixiyaan qaaraan bixiyayaasha taageera Soomaaliya in lasoo marsiiyo wasaaradda waxbarashada federaalka loona qorsheeyo si cadaalad ah oo ku salaysan baahiyaha kala duwan ee dalka iyada oo la tashanaysa wasaaradaha dowlad goboleedyada si waafaqsan qodobka 8aad ee isfahamkii la galay September 19, 2016.
B) Wasiirada waxbarashada heer federal iyo heer dowlad goboleed waxa ay isu raaceen in mashaariicda waxbarasho ee dalka aan lagu salayn doonin nidaamkii 3da qaybood ee Somaliland, Puntland iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
4. XOOJINTA AFKA SOOMAALIGA (Maay & Maxaa Tiri)
In qoraalada xafiisyada lagu isticmaalo afka-Soomaaliga, isla markaana dhammaan sharciyada, siyaasadaha iyo qorshayaasha waxbarashada lagu qoro af-Soomaali.
B) In Jaamacadaha lagu dhiirrigeliyo ka qeyb qaadashada horumarinta afka-Soomaaliga.
T) In la hirgeliyo xarumo cilmi baariseed oo lagu horumariyo af-Soomaaliga, iyada oo kuwa hadda jirana la tayeeynayo.
5. DIIWAAN GELINTA DUGSIYADA DALKA
Waa in dugsiyada dalka la diiwaangeliyaa kahor sannad dugsiyeedka 2019/2020.
6. LABISKA DUGSIYADA
Wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha dowlad goboleedyadu waxa ay garwaaqsadeen ahmiyadda ay leedahay in dib loo soo celiyo labbiskii ardayda ee saddexda heer ee dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee dalka. Sidaas darteed, shirku wuxuu isla ogolaaday in dhammaan dugsiyada dalku ay qaataan saddexdii nooc ee ay kala lahaayen fasallada dugsiyada dalku.
7. NIDAAMKA XOG-ARUURINTA WAXBARASHADA
Wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha dowlad goboleedyadu waxa ay isku raaceen in nidaamka xog-aruurinta waxbarshadu ay noqoto mid la daadajiyey oo midaysan.
B) In nidaamka xog-uruurinta qaranka la dhammeystiro kahor bisha 9-aad ee sannadkaan.
8. MANHAJKA
In la hirgeliyo manhajka qaranka ee fasallada 1-8aad sannad dugsiyeedka bilowga 2019/2020.
B) In la dhameystiro manhajka qaran ee fasallada 9-12aad ka hor billowga sanad dugsyeedka 2020/2021.
9. TAYO-DHOWRKA
Wasaaradda federaalka waxa ay dhammeystiri doonta siyaasadda, habraaca iyo qorshaha guud ee kormeerada ugu danbeyn 1da Juun, 2019.
B) Wasaaradaha dowlad goboleedyadu waxa ay leeyihiin fulinta hawlaha kormeerka iyada oo la raacayo siyaasadda, habraaca iyo qorshaha ay dejisay wasaaradda federaalka.