Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Quddus ee Israa’iil, Amichai Eliyahu ayaa sheegay hadal muran badan dhaliyay oo ah in Hubka Nukliyeerka ah loo adeegsado Marinka Qaza ee reer Falastiin, meeshana laga saarayo dadkaasi.
Wasiirkan Yuhuudda xag-jirka ka tirsan ee Amichai Eliyahu ayaa warkan u sheegay idaacad Israel ku taalla, ayaa ku dooday inay tahay arrin suuragal ah in Bamka Nukliyeer ah lagu rido marinka Gaza.
Wuxuu ku adkeystay in loo baahan yahay in meesha laga saaro Marinka Gaza, ayna tahay in Israa’iilna ay dejiso dad Yuhuud ah marka laga tirtiro joogitaanka dadka Falastiiniyiinta ah.
Arrintan ayaa buuq xoog ley ka dhalisay Baraha bulshada iyo gudaha Israa’iil, waxayna ku qasabtay Ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu ka joojiyo shirarka Golaha Wasiirada, halka madax kale ay dabadeen in la casilo.
Dhanka kale, hogaamiyaha mucaaradka Yair Lapid ayaa ku baaqay in Wasiir Eliyahu laga ceyriyo xukuumadda, isagoo ku sifeeyay hadal naxdin leh oo waali ah, wuxuuna ku sifeeyay wasiir aan mas’uul ahayn.
Siyaabo kala duwan ayaa looga fal celiyay warka kasoo yeeray Wasiirka Yuhuudka ah, waxayna Xamaas bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay arrintan caddeyn u tahay aragtida runta ah ee xukuumadda Yuhuudda.