Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mida mas’uuliyiinta baraha bulshada ka taageera dowadda uu ka tirsan yahay ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyey madaxweyne Farmaajo.
“Markii ugu horreysay dhowr iyo labaattan sano, waxaan aragnaa Madaxweeyne Soomaaliyeed oo ka shaqeynaayaa nabadeynta Geeska Afrika… Waa mahad Allah..” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Xoosh oo qoraal dhigay baraha bulshada si weyn ugu amaanay madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa dhowaan dhexda u galay dood qarar oo baraha bulshada ku dhex martay isaga iyo xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, markii wasiir Xoosh uu dagaal warbaahineed ku qaaday xildhibaanka uu soo dhoweeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.