Saturday, April 19, 2025

Wasiir Xoosh oo weerar ku qaaday Xildhibaan Fiqi, Soona bandhigay Muuqaal laga duubay sanadkii 2016 [Daawo]

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa weerar kulul ku qaaday xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibannada sida weyn ugu kacsan dowladda Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiir Xoosh ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya xildhibaan Fiqi oo si weyn dowladii Xasan Sheekh ugu dhaliilaya musuqmaasuq baahsan oo ay geysatay xilli uu ka hadlayey shir ay qabteen qaar ka mida musharixiinta madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka September 2016.

Wasiirka Dastuurka  ayaa markii uu soo qaatay muuqaalkaasi, wuxuu yiri: “Xildhibaan Ahmed Fiqi oo ka hadlaya Musuqmaasuqii baahsanaa sannadkii 2016, markuusan wali naqan xildhibaan, iyo hadda xulufadiisa eega. Bal adba!! Waan xasuus yaraannay kulligeen ma istiraahdeen??..”

Ad

Xildhibaan Fiqi ayaa hadda ka mida dadka ku kacsan dowladda Federaalka, wuxuuna kasoo muuqday xafladii soo dhoweynta madaxweynihii hore Xasan Sheekh, isagoo hadda qeyb ka ah isbaheysiga mucaaradka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

https://www.facebook.com/abdi.hosh/videos/10156685765129740/

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON