Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa si weyn u difaacay heshiiska is-afgaradka ay ee ay Muqdisho ku gaareen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya iskaashiga dhaqaale iyo heshiisyada kale ee lagu dhawaaqay ay kuwo taariikhi ah, wuxuuna sii raaciyey: “Marka laga soo taho siyaasiyiin dano gaara leh, ma jiro dal kale oo dunida ka mida oo Soomaaliya uga faa’iido badan inay xiriir wanaagsan la yeelato Itoobiya oo Soomaaliya, marka la eego xiriirka taariikheed iyo ood-wadaag.
Wasiir Xoosh wuxuu sheegay inuu isagu qabo heshiiska la gaaray inuu noqon doono mid xaaladda wax ka bedela. “Taariikhda marka dib loo fiirsho sanooyin dambe, heshiiska ay Somaliya iyo Ethiopia galeen waxaa loo arki doonaa inuu usoo hooyeay Nabad iyo Nolol gobolkan saboolnimada iyo colaadda ku habsattay muddo nus qarni ah.'” ayuu yiri Wasiir Xoosh.