Kulankii maanta ee Golaha shacabka ayaa furmay iyadoo uu ka baaqsaday inuu tago Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo laga sugayay.
Kulanka oo ay soo xaadireen 172 xildhibaan ayaanu soo xaadirin Wasiirka oo 10 xildhibaanay mooshin u yeeris ah hore uga keeneen iyadoo maanta lagu balansanaa inuu hor yimaado xildhibaanada.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa xildhbaanada u sheegay in wasiirka uu qoraal u soo diray kuna wargeliyay inuu safar caafimaad dibadda u aadayo, isla markaana uu baarlamaanka hor imaan doono 11-ka Ogost.
Xildhibaan C/fataax Daahir Cismaan oo u hadlay xildhibaanadii mooshinka ka keenay Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in wasiirka uu jebiyay sharci, isagoo iska dhega tiraya u yeeristii Baarlamaanka, wuxuuna soo jeediyay in xilka uu hayo wasiir Xoosh dib loo eego.
Dood weyn ayaa ka dhalatay qoraalka uu Wasiir Xoosh u qoray Baarlamaanka, iyadoo la is weydiiyay inuu fasax qaatay iyo inuu qoraalka wargelin ahaa, arrintaas oo guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad uu caddeeyay inay qoraal uun ka heleen wasiirka.
Xildhibaanada ayaa dood kale ka yeeshay in fasaxa uu codsaday la siiyo Wasiirka iyo in Baalramaanku diido, iyadoo markii danbe ay xildhibaanada damceen inay cod u qaadaan fasaxa uu buuq hareeyay goobta.