Saturday, April 19, 2025

Wasiir Xoosh Afka furtay: “Mudane Cabdiwali Muuddeey ayaa ah ku-simaha Afhayeenka Golaha Shacabka..” [AKHRISO]

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa taageeray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey oo maanta sheegtay inuu yahay kus-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiir Xoosh ayaa arrintan u daliishaday qodob ka mida xeer hoosaadka Baarlamaanka isagoo yiri: “Sida ku xusan Qodobka 8aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, wixii ka billowday bisha Maarso 18keedii, Mudane Cabdiwali Muuddeey aa ah kusimaha Afhayeenka Golaha Shacabka, maadaama uu Mooshin ka yaal Mudane Jawaari..”.

Wasiirka Dastuurka ayaa farriin uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in  hayadaha dowliga/Dastuuriga ah eey qaangaareen, sida uu yiri.

Ad

Haddaba Qodobka uu daliishaday Wasiir Xoosh oo ka mida Xeer hoosaadka ayaa u qoran sida soo socota:

Qodobka 8-aad:
Xilka Guddoomiye Ku-xigeenada Golaha Shacabka
1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka marka uu maqan yahay ama uusan qaban Karin xilkiisa, sabab kasta ha ahaatee, waxaa dhammaan howshiisii fulinaya Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.Haddii uu isaguna maqnaado, waxaa howshiisa qabanaya guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha.
2. Haddii ay dhacdo in Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ee Goluhu ay ka maqan yihiin ama aaney awoodin in ay soo xaadiraan ama ay guddoomiyaan, waxay xubnaha Golaha fadhiya cod hal dheeri ah (50%+1) oo gacan tag ah ku dooranayaan xubin si ku meel gaar ah u godoomisa kulankaas.

Qodobkan ayaa ku saabsan xaalad ku timaada Guddoomiyaha oo keenta inuu maqnaado sidaana ku guddoomin waayo baarlamaanka, sida ku cad qodobka qeybtiisa dambe laakiin wuxuu wasiirku meesha ka saaray Qodob caddeynaya haddii mooshin laga keeno guddoonka, sida ay noqoneyso guddoonka Golaha, waana Qodobka 9-ad ee ku xiga qodobka uu daliishaday.

- Advertisement -

Qodobka 9-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka oo ay ku caddahay xaaladda ah haddii Mooshin laga keeno guddoonka, halka Qodobka hore uu yahay  mid guud ahaan ah oo quseeya maqnaanshaha guddoomiyaha ama ku xigeennada, qodobka soo socda ayaa gaar ahaan uga hadlaya arrinta hadda taagan, waxayna taasi micnaheedu yahay in guddoomiyaha oo taagan aan kusime loo noqon karin, ee marka uu fadhiga ka maqan yahay ay kusimenimadu sax tahay iyadoo marka uu guddoomiyaha mooshin ka yaallo uu weynayo oo qura guddoominta fadhiga looga doodayo mooshinkiisa.

HOOS KA AKHRISO QODOBKA 9-AAD FAQRADIISA 5-AAD

5. Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa la marayaa talaabooyinkan soo socda:
a) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilka qaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi.
b) Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka 9 (2) ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban (15) maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON