Tuesday, February 18, 2025

Wasiir Roobow oo xilka la wareegay iyo Dood ka dhalatay ilaalada la socotay RW Xamza

Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirki hore ee wasaaradaasi Cumar Cali Rooble.

Xil-wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre Barre, waxaana si rasmi ah xafiiska ula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed.

Ad

Sheekh Roobow ayaa sheegay inuu ku dadaali doono dhexdhexaadnmada Diinta, ayna isku hayaan umadda oo dhan oo ay isku hayaan, sid midnimo ahna loo wajaho khalad kastoo Diini ah oo jira.

Xil wareejinta kadib waxaa dood ka dhalatay qar ka mida ilaalada ilaalada Ra’iisal wasaaraha oo ku sugnaa xafiiska xil wareejinta ka dhacday, iyagoo taagnaa goobo aan la fileyn, waxaana fasiraad kala duwan laga bixiyay arrintan.

Mukhtaar Roobow waaxa tan iyo markii xilka wasiirnimo loo magacaabay olole weyn oo dacaayadeed ku bilaabay tageerayaasha madaxweynihii hore Farmaajo iyo saxiiibada Fahad Yaasiin.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON