Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Mukhtaar Roobow Cali ayaa shaaciyey in dib loo furayo Mac-hadkii Masjidka Isbaheysiga islaamka.
Wasiirka ayaa maanta kormeeray Masjidka Isbaheysiga, isagoo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Saalax Shariif Sayid Cali, iyagoo la kulmay maamulka Masjirka, una kuurgalay xaaladda maktabadda iyo mac-hadka ee hoostaga Masjidka.
Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay inay awoodda isugu geynaynaan sidii dib loo furi lahaa Mac-hadka Isbaheysiga Islaamka oo ay hore u shistay dowladda Sacuudiga, haddana ay dayac tirtay Dowladda Turkiga, balse weli howlgab ah.
Wasiir Roobow ayaa ka mid noqday xubnaha Golaha Wasiirada ee ugu dhaqdhaqaaqa badan xukuumadda Ra’isial wasaare Xamza Cabdi Barre.
