Tuesday, February 18, 2025

Wasiir Roobow oo shaaciyay Qaabka loo dhisayo Hay’adda cusub ee Culimada Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa shaaciyay in Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ee la dhisayo aanay ahayd mid degdeg loogu dhawaaqayo.

Wasiir Roobow oo goor dhow ka hadlay shirweynaha Culimada ayaa sheegay in Hay’adda Culimada ee la dhisayo aanay ahayn mid degdega, balse marka hore sharci loo sameynayo, la geynayo Golaha Wasiirada, kadibna la marsiinayo Labada Aqal ee Baarlamaanka, sidaasina lagu dhisayo.

Arrintan ayaa wax cusub ku noqotay inta badan culimada, iyadoo la filayay in isla maanta lagu dhawaaqo Hay’adda Culimada, ayna socdeen warar ku saabsan magacaabista Muftiga Soomaaliya.

Ad

Wasiirka Diinta ayaa go’aankaas ku difaacay in Hay’adda Culimada ay u bahaan tahay miisaaniyad, taasina aan la heli karin haddii aan laga dhigin hay’ad sharci ah oo nidaamka la waafajiyey.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayay inuu soo xiro shirka culimada ayaa ka baaqsaday, kadib markii shirka laga dareemay qabanqaabo ku saabsan inuu kusoo jeedo, waxaana la sheegay inuu soo xiri doono Ra’iisal wasaaraha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON