Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magacaabay Guddiga Tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023.
Guddigan ayaa kala saaraya, soona xulaya Shirkadaha la siinayo Qandaraaska inay Xajka geeyaan Xujeyda Soomaaliyeed oo lagu wado inay ka bataan 10,000 Xaaji.
Wareegto kasoo baxday Wasiir Roobow ayaa lagu magacabaay 9 xubnood oo ka shaqeynaya howshan, waxaana xoghaye looga dhigay Nin la dhashay wasiirka. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:
1- Maxamed Haji Ibrahim Cali Xilka Gudoomiye
2- Ibrahim Robow Cali Xogheyn
3- Shekh Cali Shekh Mahmuud (Sh Cali Dhere) Xubin
4- Cabdinuur Macalin Maxamed Xubin
5- Xaji Maxamed Kheyrow Aadan Xubin
6- Xamdi Cabdirahmaan Ismaaciil Xubin
7- Aadam Sadiiq Maxamed Xubin
8- Dr. Khadar Xaji Daahir Xubin
9- Yuunis Cismaan Axmed Xubin

