Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay oo lagu baahiyay baraha bulshada, kuna saabsan inuu musuq-maasuqay howlihii Xajka ee sannadkan, kana helay lacag badan.
Wasiirka oo xalay ka hadlayay xaflad loogu dabaalgelay howlihii xajka oo uu ka qeyb galay Ra’iisal wsaaraha ayuu ka caddeeyay inuusan waxba ka ogeyn Lacag lagu eedeeyay inay Akoonkiisa ku dhacday taasoo gaareysay $5 milyan.
“Waxaad maqasheen wax badan wasiirkii akoonkiisa 5 Milyan oo Sollar ayaa (ku jirta), horta wasiirku akoon ma leeyahay.. marka hore? mise ku jirta intaas? “ayuu is weydiiyay Roobow oo dinaca kale sheegay in dad badan oo culimo ku jiraan ay isku dayeen inay laaluushaan oo lacago badan u ballanqaaday.
Wasiir Roobow ayaa yiri: “Haddii ay jirto lacag qalloocan, ama wasaaraddu ay qabto ama wasiirku uu qabo, waxaan codsanayaa in ha’adaha ay khuseyso inaysan berri subixii la dhaafin inay soo afmeeraan oo ogaadan wax ka jira meeshan. Soo dhawaada.”
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Mukhtar Roobow: “Lacagta intaas la eg.. Dowladdu soo Xisaabiye maleh? Soo Hantidhowre maleh? Soo wasiiir maaliyadeed maleh? Haddii nin kasta oo wasiir noqda uu shan milyan bankiga gashan karo muxuu Ra’isul Wasaaruhu qabanaya?”.