Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dowladda Soomalaiya iyo culimo kale ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho, iyagoo ka hadlay dagaallada Alshabaab ka wado degaanada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.
Wasiir Muqtaar Robow ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, wuxuuna adkeeyay in diiniyan ay khalad tahay in laga been abuuro dagaalka socda ee lagu difaacayo Diinta iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.
Shekeh Roobow ayaa Alshabaab u iray farriin uu ku sheegay in Muqdisho aysan la mid ahayn magaalooyinka Kabul iyo Dimishiq, isla markaan aysan jirin wax awood ah oo usoo kordhay, balse ay wadaan isu guurguurkii ay sameyn jiren Ramadaanka.
“Muqdisho ma aha Kaabuul iyo Dimishiq, Axmedkooduna ma aha Axmed ASharaca Syria ” ayuu yiri Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhinaca kale sheegay in Shabaab la iska celin karo oo ay jiraan degaano Soomaaliyeed oo ay ku dhici waayeen inay foodda geliyaan markii la iska dhiciyay.
Hadalka Wasiir Roobow ayaa imaanaya iyadoo uu socdo abaabul ka dhan ah Alshabaab oo weerarro joogto ah ku heysto degaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe oo qeybo ka mida ay la wareegtay.
Dhinaca kale Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ayaa shaacisay in howlgal xalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafaya, kadib duqeyn cirka ah oo lagu gaadiid dagaal oo ku sugnaa Ceelbacad ee hoos taga degmada Ruun-nirgood.