Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yeelanaya Gole Degaan kadib markii uu meesha ka baxay Golihii ugu horeeyay ee degaan oo Gobolka Banaadir
yeelsho kadib dagaaladii sokeeye, kaasoo ay dhistay xukuumadda Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Wareegto uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa lagu magacabaay guddi farsamo oo qaabilsan dhismaha Golaha degaanka Gobolka Banaadir.
Arrintan oo si weyn dib ugu dhacday ayaa la filayaa inay dowladda Xasan Sheekh ay dedejiso xilligan kala guurka ah iyadoo aan weli la isla meel dhigin maqaamka Muqdisho iyo xubnaha Gobolka Banaadir ku yeelan doonto Gobolka Banaadir.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA ODOWAA