Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu xilalkii uga qaaday 7 agaasime waaxeed oo ay ku jiraan dhammaan Agaasimayaashii Warbaahintad owladda sida Telefishanka SNTV, Radio Muqdisho iyo Wakaalada Wararkla ee SONNA, wuxuuna magacaabay Agaasimeyaal cusub.
Wareegto uu soo saaray Wasiir Maareye ayaa lagu sheegay in xilalkii laooa qaaday agaasimhii Telefishanka dowladda ee SNTV Liibaan Cabdi Cali, waxaana loo magacaabey Faarax Salaad Dharaar, waxaa kaloo xilkii laga qaaday Agaasimihii Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xilkii laga qaaday, waxaana loo magacaabey Cali C/qaadir (Cali Maykal), halka isna xilkii laga qaaday agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Fitaax Daahir Jeyte, iyadoo lagu bedelay oo xilkaas loo magacaabey Yaxye Cali Faarax.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay inuu tallaabadan u qaaday isagoo adeegsanaya awoodihiisa iyo la-tashi uu la yeeshay wasiir ku xigeenka.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada Wasiir Maareeye