Qeybtii labaad ee Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa ka socota maanta magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Kursigii ugu horeeyay ee oo ah HOP032 waxaa mar labaad kusoo baxay Xildhibaankii horey ugu fadhiyay oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khaliif Cabdi Cumar oo dhowaan lagu eedeeyay musuqmaasuq, lagana joojiyey heshiis uu galay.
Waxaa kursiga codkii loo qaaday uu helay Wasiir Khaliif Cabdi Cumar 81 cod, halka musharaxii la tartmayay Axmed Cumar Gurey uu ka helay 10-cod, waxaana halaabay ilaa 7-cod.
Wasiirka Ganacsiga ayaa heshiis la galay shirkadda Maru Port Service LTD, kaasoo ku saabsan Tayo-dhowrka badeecadaha yimaada dalka, waxaana heshiiska ka hor yimid Hanti dhowrka Guud, Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda Tayo dhowrka Qaranka, iyadoo la jooyiyey.
Wasiir Khalif ayaa ka mid ahaa afar wasiir oo Hanti-dhowrka guud kusoo eedeeyay, ugana digay inay xilliga kala guurka ah wadaan falal sharci darro ah oo ka baxsan awooda wasaaradahooda, lagana diyaariyey warbixino ku saabsan kiisaskooda. (Halkan ka Akhriso)

Halkan ka Akhriso Warbixinta Heshiiska uu galay Wasiirka Ganacsiga