Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in wasiir ku xigeenkii Arrimaha Gudaha maamulka Jubbaland ee taageersanaa Axmed Madoobe inuu ka goostay maamulkaasi, kuna biiray dhinaca dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Degmada Doolow ayaa sheegaya in Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen (Cawar) uu maanta isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Doolow, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.
Wasiir ku xigeenka oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta u dhow Axmed Madoobe ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee ka goosta maamulka Axmed Madoobe, iyadoo uu magaalada Doolow kulan kula yeeshay saraakiil iyo Wakiilo ka socday dowladda Federaalka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Jubbaland.