Monday, February 10, 2025

Wasiir Khadiijo M. Diiriye oo lagu eedeeyay inay xoog ku heysato Guriga Gen. Max’ed Abshir. (Daawo)

Qoyska Jeneraal Maxamed Abshir Muuse iyo Wakiilkooda ayaa ku eedeeyay Wasiirada cusub ee Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka inay muddo 4 sano ah xoog uga heysto Guri ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Qeylo dhaanta Qoyska Maxamed Abshir oo saxaafadda la marsiiyey ayaa waxaa ka hadlay wakiilka Qoyska Maxamed Abshir oo sheegay inuu ka kireeyay Guriga ku yaalla Kaambada ee ku dhow taliska Booliska, iyadoo markii ay hore laba sano kiro bixisay, kadibna ay diiday inay kirada bixiso.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la sheegay inay Guri kale ay dejisay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, waxayna askar u adeegsatay wakiilka Qoyska iyo wiil uu dhalay Jeneraalka oo lagu magacaabo Cismaan Maxamed Abshir, markii dacwad ka furteen Maxkamada G/Banaadir ay diiday inay tagto.

Ad

Wiilka uu dhalay Jeneraalka Csmaan Maxamed Abshir ayaa madaxda sare ee dowladda ugu baaqay inay arrintan soo farageliyaan, ayna wax ka qabtaan arrintan Wasiiraddana looga qaado gurigooda ay xoogga ku heysato.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON