Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Xilgaarsiinta C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waayey kursigii Golaha Shacabka ee Beeshiisa, kadib markii laga saaray liiska musharixiinta u tartamaya kursigaasi.
Wasiir Jaamac oo ka mida saaxiibada ugu dhow ee Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddo dheer ahaa musharax u taagan kurisga HOP204, balse ugu danbeyn wuxuu ka mid noqday wasiirada iyo xildhibaanada hore ee uu Baarlamaanka 11-aad ka reebay Madaxweynaha Hirshabeelle C/casiis Lafta-gareen.
Lafta-gareen ayaa kursiga HOP204 u xiray wasiirka Amniga ee maamulka K/Galbeed Isaaq Cali Subax oo kusoo bixi doona doorashada lasii og yahay natiijadeeda ee ka dhici doonta magaalada Baydhaba.
Waxaa kaloo kursigan oo ay leedahay Beesha Jirroon laga reebay xildhibaankii ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Macallin Cali Aadan.
Shalay ayay ahayd markii Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda KMG ah C/raxmaan Al-cadaalla uu ka haray kursiga HOP069, kadib markii uu xaqiiqsaday inuusan kusoo baxeynin, wuxuuna taageeray xildhibaankii ku fadhiyey C/raxmaan Odowaa oo mar kale kusoo baxaya.
