Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay wasiirka cusub ee Siciid Maxamed Raage oo loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo la dagaallanka burcad-badeedka Puntland.
Munaasabaddii dhaarinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur.
Dhaarinta wasiirkan cusub oo ka mid ahaa wasiiradii xukuumadii Cadde Xersi iyo C/raxmaan Faroole ayaa timid kadib markii  xilkii laga qaaday Wasiirkii Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Mudane C/laahi Jaamac Saalax.
Siciid Maxamad Raage oo xilkaan marar kale duwan kasoo shaqeeyey ayaa ah sidoo kale siyaasi awood ku leh gobolka Barri oo C/weli Gaas looga kacsan yahay.
Xilka qaadista wasiirkii hore ayaa la sheegay inay ka danbeysay markii xukuumada Madaxweyne Gaas ku guuldareysatey in hirgeliso mashruuc ay sheegtay in dekada Boosaaso lagu balaarinayo kasoo heshiis kula gashey Ganacsade Falstiini ah oo degan wadanka Imaaraadka Carabta, isagoo ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeeyay.
Madaxweyne Gaas ayaa laga filayay isku shaandheyn balaaran oo uu ku sameeyo xukuumadiisa, xilli ay mas’uuliyiin dhowr ah isu casileen dhaqaalo darro iyo maamul xumo baahsan.
Goobjooge.com