Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa afhayeen cusub u magacaabay Wasaaradda Amniga.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka Amniga ayaa C/Kaamil Macalin Shukri, loogu magacaabay afhayeenka Wasaarada Amniga, sida uu shaaciyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Farxaan Cali Axmed.
Afhayeenka ayaa horey u ahaa Afhayeenka Wasaaradda Amniga, balse howlgab ahaa, waxaana hadda dib loogu magacaabay xilkii.
Ad

Hoos ka akhriso
Warar Xul ah