War aanu kasoo xiganay ilo ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mida wasiirada xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu sidaasi dalbaday madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay isku beel yihiin wasiirka.
Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Guuleed Xuseen ayaa la sheegay in wareegtada xil ka qaadistiisa la qoray oo kaliya ay sugeyso in la shaaciyo, arrintan oo lagu raali gelinayo Axmed Madoobe.
Laba qof oo Axmed Madoobe u soo xushay in xilka loo magacaabo ayaa la filayaa in go’aanka ugu dambeeya laga gaaro maalmaha soo socda si xilkaasi loogu magacaabo.
Arrintan ayaa ka mida xiriir Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe si hoos ahaan ah u dhex maray, kaasoo salka ku haya awood qeybsiga xaaladda kala guurka ah.
Wasiirka Guuleed Qaasim ayaa ka mid ahaa wasiirada aqoonyahanada ah ee ka tirsan Golaha Wasiirada kana adag howshiisa, wuxuuna dowladda Federaalka u soo jeediyay in dacwad lagu oogo wasiir hore oo la baxsaday hantida kasoo xaroota magaca internetka ee Soomaalida (Domainka .So).
Xilligan kala guurka aha ayaa waxaa bilowday isbaheysiyo siyaasadeed oo loogu diyaar garoobayo doorashada 2016, waxaana waqtiga dhow la filayaa in magacaabo xilal kala duwan safiiro, wasiiro iyo agaasimeyaal cusub, iyadoo sidoo kale ay miiska saaran yihiim magacaabid degmooyin cusub.
Goobjooge.com