Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa shaaciyey inay Soomaaliya lacag ku dhow 2 Milyan oo Doolar ka heshay shirkadaha waaweyn ee shidaalka dunida oo hore heshiis ula galay dowladii Kacaanka.
Wasiirka ayaa sheegay in Shirkadaha Shell iyo ExxonMobil oo hore Soomaaliya ugu lahaa xirmooyin Shidaal oo u go’an, balse aysan muddo 30 Sano ah dib ugu soo laaban ay hadda bixiyeen khidmadii ugu horeysay ee kirada ahayd oo ah lacag dhan 1.7 Milyan oo dollar (Hal Milyan, toddobo boqol kun oo doolar), laakiin wasiir ku xigeenka ma sheegin waqtiga kiradaasi la bixiyey inay tahay sanadle iyo lacagihii ku baaqday shirkadahaasi.
Wuxuu intaas ku daray in Lacagtaan lagu maamuli doono heshiiskii qeybsiga kheyraadka ee ay magaalada Baydhaba lagu saxiixay oo ay wada galeen dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada.
Shirkadaha Shell iyo ExxonMobil iyo dowladda Somalia ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis is-faham ah oo ay dib ugu soo laabanayaan Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO