Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kasoo jeeda degaanada Puntland ayaa markii ugu horeysay kashifay lacagaha ay dowladda Federalka u dirtay maamulka Puntland.
Wasiir Xaange ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay ( fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed.
Sida wasiirku sheegay, Lacagta Kabka miisaaniyadeed ee dowladda Federaalka u dirtay maamulka Puntland ayaa kala ah:
2-dii Julay 2024 waxaan wareejinay $1,353,000,
3-July 2024, waxaan bixinay $3,500,000
Lacagaha kale ee wakhtiyo kala duwan la wareejiyay waa 1,495,826. Wadarta lacagahaas waa $6,348,826 waana kab miisaaniyadeed ( budget support) oo si toos ah loo gaar siiyay khasnadda Dawladda Puntland.
Wasiir Xaange oo weerar toos ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa qoraalka uu soo saaray ku yiri: “Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (Cash) toos loogu soo shubo isla markaasna wuxuu hor-istaagay in la bilaabo dhammaan mashaariicdii horumarinta ee waxtarka ulahaa deegaanada Puntland oo garaaya boqollaal Milyan oo doolar”.”.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Sabtidii xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo taageersan Puntland ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay xayiraad saartay Puntland, kana joojisay mashaariic iyo dhaqaalihii dowladda dhexe.