Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Jabriil ayaa digniin culus iyo hanjabaad u diray Ganacsatada, isagoo uga digay inay xiriir la yeeshaan AlShabaab.
Wasiirka oo shir jraa’id qabtay maanta ayaa sheegay inay Denbi tahay wadashaqeyn iyo macaamil lala yeesho AlShabaab, isla markaana ciddii lagu helo laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Wasiirka wuxuu ugu hanjabay Shirkaddii ama Ganacsadihii lagu helo la macaamilka Al Shabaab in lagala laaban doono ruqsada ganacsiga, sidoo kale Ganacsadihii lacag siiya Al Shabaab laga mamnuuci doono in dalka wax ganacsi ah ku sameeyo.
Wasiir Cabdirashiid Jabriil, ayaa sidoo kale sheegay Shirkaddii ay ku caddaato in ay ku jiraan xubno ka tirsan Al Shabaab ama wakiil uga noqda ganacsigooda inay dowladdu kala wareegeyso dhammaan hantida ay shirkadaasi leedahay.
Wuxuu Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ka dalabaday inay shatiyada kala noqoto nootaayooyinka “sida tooska ah ula shaqeeyo argagixisadda”.
Sidoo kale wasiirka Ganacsiga wuxuu Ganacsatada ku eedeeyay inay si toos ah uga qeyb-qaataan dilka shacabka marka ay lacag siinayaan argagixisada Alshabaab.