Thursday, February 13, 2025

Wasiir ka tirsan UK oo Muqdisho uga dhawaaqay Deeq Malaayiin Doolar oo la siinayo Soomaaliya [Sawirro]

Dowladda Ingiriiska ayaa lacag malaayiin Doolar ah oo hore leh ugu deeqday gargaarka abaaraha Soomaaliya.

Xoghaya horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska Priti Patel oo Muqdisho timid markii labaad ayaa ku dhawaaqday deeq dhan 60 Milyan oo Ginni, taasoo loogu talo galay gargaarka abaaraha Soomaaliya.

Priti Patel oo Muqdisho kulan kula qaadatay Hay’adaha samafarlka iyo wakiillo ka socda Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in UK ay ka go’an tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd guul laga gaaro abaaraha halakeeyay Soomaaliya.

Ad

“Dowladda Britain waxay horseed u tahay bixinta adeegyo halbowle u ah nolosha malaayin qof oo ku nool Soomaaliya iyo itoobiya kuwaas oo halis ugu jira macluul iyadoo laga cabsi qabo in abaartu isu bedesho musiibo.

 “Waxan soo arkay gargaark UK ay bixiso oo ah badbaadinta iyo bedelidda nolosha. Tani waxay keentaa xasilinta wadamada aduunka ugu nugul taasi oo fursad u ah dadka nugul si ay u dhisaan noloshooda sidaas daraadeedna loo sugo ammaanka UK. UK ayaa kor u qaaday taageerada isla markaana u ololeysay in bahwadaagta kalena ay taageero bixiyaan taas oo ka hortagtay faafidda abaarta. Waxaan muujinaya hogaankanaga  inagoo bixinayna cunto dheeri ah, biyo dheeraad ah iyo daawo badan oo loogu tala galay kuwa halista ugu jira inay u dhintaan abaarta iyo colaadda.” ayay tiri Priti Patel.

SAWIRRO

- Advertisement -

- Advertisement -

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON