Wednesday, November 13, 2024

Wasiir ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo sheegtay Magaca Xisbi maanta loo doortay Xasan Sheekh [Qoraal culus)

Wasiirka Dastuurka maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheetgay inuu isagu leeyahay magaca uu qaatay xisbiga maanta guddoomiyaha loogu doortay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu soo saarya wasiirka oo lahjad  aad u qalafsan lagu qoray oo loo diray Xasan Sheekh iyo Guddiga Doorashooyinka madaxda bannaan ayaa lagu sheegay in magaca ay qaateen kooxda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh uu yahay magac xisbi jira oo uu hoggaamiyo C/llaahi Sheekh Xasan.

“Mudane adigoo mahadsan Xisbiga aad Magaciisa la baxday waa xisbi aad taqaano waana xisbigi aniga oo gudoomiya ka ah aad Madaxweyne wadanka ka aheyd, waana Xisbigii Dowladaadii dhaliilaheeda Bulshada usoo bandhigi jiray. Ilaa aad marki aad runtii u adkeysan weyday aad amartay in ley dilo 15 August 2015 4:00 habeennimo…  ” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Xisbiga maanta lagu dhawaaqay ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (Union For Peace and Democratic- UPD) halka Xisbiga uu sheegtay C/llaahi Sheekh Xasan  lagu magacaabo Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU).

Ad

Xildhibaanno ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa ku dooday in labada magac aysan wax shaqo ah isku lahayn, iskuna xarfo ahayn, balse C/llaahi Sheekh Ismaaciil uu yahay muran doon.

No automatic alt text available.

Image may contain: text

- Advertisement -

Murannada noocan oo kale ayaa xalintooda waxaa qaabilsan Guddiga Doorashada oo diiwaangeliya xisbiyada, iyadoo labada dhinac aysan u muuqan inay diiwaaan geliyeen magacyadooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON