Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu dhaawacmay Wasiirkii Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar, kadib qarax ay la beegsadeen Alshabaab.
Dhaawaca wasiirka ayaa yimid, kadib Qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay, kaasoo lala beegsaday saaka xilli uu ku sii jeeday degaanka Buulo Xaaji, isagoo la socday ciidamo gurmad ah ku socday Buulo-xaaji.
Alshabaab ayaa dhinaceeda shaacisay inay wasiirka ku beegsadeen degaanka Cabdalla-biroole ee duleedka magaalada Kismaayo, kuna dhaawaceen Wasiirkii Awqaafta ee maamulka Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar.
Xaaladda wasiirka ayaan kala caddeyn, inkastoo ay Alshabaab sheegatay in labada lugood ka go’ay oo xaaladiisuna ay halis tahay.