Friday, December 8, 2023

Wasiir ka mida Xukuumada oo walaalkiis u magacaabay xilka ugu muhiimsan Wasaaradiisa

-

- Advertisement -

Wasir ka mida xukuumadda xilgaarsiinta Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ugu muhiimsan wasaaradiisa u magacaabay nin ay ilma adeer yihiin, taas oo ah dhaqan ugub ku ah siyaasada Soomaaliya.

Wasiirkan oo lagu magacaabo Cabdi Sh. Axmed Rooble CAMEY ayaa walaalkiis C/laahi Axmed Maxamuud CAMEY u magacaabay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, taas oo dhowaan soo shaac baxday.

Wasiirka ayaa bishii Agoosto 2021 u magacaabay isla xilkan nin ay isku jufo hoose yihiin, hase yeeshee waxaa la yaab noqotay in wasiirkan markan uu hoos u sii daadagay oo Soomaali oo dhan uu ka soo xushay nin ay ilma adeer yihiin.

Xogtan waxaa noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaarada iyo shaqaalaha xafiiska wasiirka. Waxayna shaqaalaha durba bilaabeen inay wasaarada ugu yeeraan magaca shirkada Reer CAMEY ex- wasaaradii boostada.

- Advertisement -

Dadka arintan la socda ayaa sheegay in ay macquul ahaan lahayd in wasiir uu walaalkiis siin karo jago loo tartamay oo uu ku guuleystay, balse aysan ahayn wax anshax ah in wasiir xil magacaabis uu siiyo ina-adeerkiis.

Dhinaca kale sadex shirkad oo dacwad ka gudbiyay wasiirka ayaa sheegay inay aad ula fajaceen magacaabista wasiirka. Waxayna sheegeen inaysan joojin doonin dacwada ay u gudbiyeen xafiiska madaxweynaha iyo bankiga aduunka.

Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ayaa ka mid ahayd wasaarado xilligan magacaabay xilal muhiim ah, taasoo keentay inuu waxba kama jiraan ka dhigo madaxweynaha muddo xileediisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday Heshiis cusub oo Milateri

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis ababa ku kala saxiixday heshiis cusub oo milateri, kaasoo lagu cusbooneysiiyay is-afgarad iskaashi milateri ah oo labada...

Xasan Sheekh oo Xil cusub u magacaabay Agaasimihii is-casilay ee Madaxtooyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil cusub u magacaabay Agaasimihii madaxtooyada Soomaliya ee is casilay, kana mid ahaa Musharixiinta xilka Madaxweynaha maamulka K/Galbeed.Wareegto...

Siciid Deni oo ka noqday Doorashadii ‘Qof iyo Cod’, kuna dhawaaqay Mowqif Cusub

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka noqday Doorashadii 'Qof iyo Cod' ee uu in mudo ah ku adkeysanayey, taasoo xiisad siyaasadeed iyo qalalaase dagaal...

Qarax iyo Is-rasaaseyn Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Amniga iyo Alshabaab

Qaraxyo iyo Rasaas ayaa Maqribtii caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo Xubno ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada Amniga oo ku daba jiray uu dagaal...

Dood ka dhalatay Xisaab-xirkii Dowladda ee 2022 iyo Xildhibaanno isu jawaabay

Fadhigii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaala Soomaaliya ee maanta ayaa la horgeeyay Xisaab xirkii dowladda ee sanadkii 2022, kaasoo noqonaya kii ugu horeeyay tan...

Baarlamaanada Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed & Jubaland oo diiday Shirkii Arrimaha Dastuurka

Baarlamanada Afar ka mida Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa diiday casuumad uga timid Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya.Qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug,...

Faahfaahin laga helay Duqeyn ka dhacday Magaalada Jilib iyo Dad ku dhaawacmay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Duqeyn xalay ka dhacday magaalada Jilib ee Gobolka J/Dhexe oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab iyo caasimadooda.Diyaarad...

XOGAHA QARSOON

Xasan Sheekh oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Mareykanka Ee AFRICOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iy Taliyaha ciidmaada...

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you