Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur, isagoo magacaabay laba jeer Gobolka madax ka noqday.
Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha K/Galbeed ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose loogu magacaabay Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ahaa Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Maamulka Koonfur Galbeed.
Waa markii saddexaad ee Guddoomiye Najax loo magacaaabo xilka Guddoomiyaha Sh/Hoose tan iyo sanadkii 2015 oo uu xilkaasi u dhiibay Madaxweynihii K/Galbeed Shariif Xasan, kadibna waxaa xilka laga qaaday sanadkii 2018, iyadoo Laftagareen uu dib u magacaabay Maarso 2019.
Mar kale ayaa Ibrahin Najax uu Laftagareen xilka ka qaaday Novermbar 2020, xilligaas oo Lafgareen uu xilka Guddoomiyaha Sh/Hoose u magacaabay C/qaadir Siidii oo isna xilkaasi hayey muddo dheer ilaa dowladihii Sheekh Shariif iyo C/llaahi Yuusuf.
Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur ayaa la sheegay inuu safar. dibadda ah galay oo uu jiro shaki ah inuu soo laabanayo.
