Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaama) ayaa kashifay qorshe ay dowladii Farmaajo ku bixisay dhulka Qabuuraha Dugsiga Booliska ee Muqdisho.
Wasiir Jaamac ayaa caddeeyay in dhulkaasi ay dowladii Farmaajo siisay Ganacsato si ay Hoteello uga dhistaan, balse markii ay Culimada kala tashatay si Meydadka looga bixiyo ay diideen in Dan gaara dhulkaasi loo adeegsado.
Wuxuu intaas ku daray in la hayo qoraalladii ay dowladda Farmaajo. dhulkaasi ku bixisay iyo jawaabtii Culimada ka bixiyeen, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in isla madaxdii dowladaasi ay hadda mucaaradayaan in dhulkaasi dan guud loo isticmaalo oo saldhig ciidan laga dhiso.
Jawaab celinta wasiirka ayaa timid kadin markii si weyn looga hor yimid qorshaha dowladda Soomaaliya ku dooneyso in la banneeyo Qabuuraha Dugsiga Booliska, iyadoo baraha bulshada ay qabsadeen mas’uuliyiin iyo dadweynaha dowladda ku eedeynaya in Meydadkii xitaa ka Nabadgeli waayeen.
Dhinac kale Afhayeenka Farmaajo ayaa been abuur ku tilmaamay warka kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo sheegay in laga leeyahay dano gurracan, isla markaana ay degdeg uga bixin doonaan jawaab waafi ah.