Tuesday, October 3, 2023

Wasiir Guddoomiyey Shirkii Golaha Wasiirada iyo Qarixi Kuliyadda Jaalle Siyaad oo.

Shirka Toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa guddoomiyey Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali oo noqday Ku-simaha R’aiisal wasaaraha, iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Ra’isal wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa.

Shirka ayaa maanta looga hadley xaaladda amniga dalka, wuxuuna Golaha Wasiirada dhegestey warbixino ku saabsan howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta .

Golaha Wasiirada ayaa soo saaray cambaareeyn weerarkii Alshabaab ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi.

Ad

Golaha Wasiirada ayaa dhinaca kale meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.

- Advertisement -

3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.

5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!