Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyey inay joojinahaan Baraha Bulshada haddii ay khatar dareemaan, kadib markii ay codsi u qorteen Maxkamadda Sare ee Dalka.
Wasiirka oo ka hadlayay furiitaanka imtixaanka ku celiska ah ee Shahaadiga Dugsiyada sare ee dowladda Federaalka ayaa shaaciyey in dhamaan Baraha Bulshada isticmaalkooda la joojin doono haddii ay khatar dareemaan, basle aysan wax halis ah jirin, sidaas darteedna aan maanta la joojin isticmaalka baraha bulshada.
Wasaaradu waxay maxkamadda Sare u qoratay Arji ay ku codsneyso in la xakameeyo Social meda-ha in la xakameeyo waqtiga imtixaanka.. waa haddii ay baahi timado… maxkamadda xukuntaas waa noo riday… hadda Wasaaraddu waxay heysataa awood ay saacad kasta baraha Bulshada ku joojim karto, balse maanta sabab loo joojiyo majirto balse hadii aan Qatar dareeno waan jopojineynaa…” ayuu yiri Wasiir Goodax.
In ka badan 31 Kun oo Arday  ayaa sanadkaan u fariistay Maanta Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyda Sare oo ah mid ku celis ah,kadib markii dhawaan uu fashilmay imtixaanka ay qaadeysay.
HOOS KA DHAGEYSO