Friday, March 28, 2025

Wasiir Goodax: “Waxaan arkay Arday uma ekayn, Dad dhagaxyo tuurayo ayaan la kulmay…”

Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in bannaanbixii maanta ka dhacay Muqdisho loo badnaa Ardayda oo dad badan ay ku lug darsadeen.

Isagoo ka hadlyey kadib shir ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir oo ardayda loogu baaqay inay imtixaan cusub u diyaargaroobaan kuna laabtaan guryahooda ayuu sheegay Wasiir C/llaahi Goodax inuu isku dayey inuu la hadlo Ardayda balse uu arkay inaysan arday ahayn.

“Waxaan isku dayey inaan la hadlo Ardayda, waxaan arkay Arday uma ekeyn.. Dad dhagaxyo tuuraya oo aan Caadi ahayn baan la Kulannay, Aniga Waxaan aamisanahay in Bahda Waxbarashada looga badnaa wixii dariiqa taagnaa maanta” ayuu yiri wasiir Goodax oo Arday badan ay ku kacsan yihiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON