Friday, November 8, 2024

Wasiir Goodax: “Tallaabada Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateyn goboladu isku soo rogaan..”

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadda dagaalka dhaqaale ee Puntland iyo Hiiraan.

“Waa nasiib darro in masuuliyiinta Puntland ay cunaqabateyn dhanka raashinka duruuriga ah ay saareen deegaanada isticmaalo Dekedda Boosaaso…” ayuu yiri Wasiir Goodax oo ku dooday in talaabadan Puntland qaaday ay ka dhalan karo cunaqabateyn dhaqaale.

Wasiir Goodax ayaa ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku weerarray Puntland, wuxuuna yiri: “Tallaabada Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateyn dhaqaale oo goboladu isku soo rogaan, taasoo ugu danbeyntii cuuryaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland…”

Ad

Wuxuu kula taliyey madaxda Puntland ay dib uga fiirsadaan, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ilo kale iyo inta maamulka Hiiraan aysan duldhigin cunaqabateen dhaqaale.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Puntland, kuna saabsanaa in Ganacsatada Puntland aysan degaano ka baxsan Puntland u qaadin raashinka daruuriga ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON