Monday, March 24, 2025

Wasiir Goodax: “Siyaasiyiin raba inay fashiliyaan imtixaanka ayaa ka danbeeyay Video-ga..”

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ku eedeeyay siyaasiyiin doonaya inay fashiliyaan imtixaanka dowladda inay faafiyeen muuqaal Video ah.

Wasiirka oo baraha bulshada farriin soo dhigay ayaa sheegay inuu been abuur yahay muquaalka Baraha Bulsahda lagu baahiyey ee muujinaya arday imtixaan ku jirta oo ay caawinayeen kormeerayaasha, wuxuuna ku tilmaamay inay ka danbeeyeen siyaasiyiin dano siyaasadeed ka leh loo qal-qal-geliyo imtixaanka, laguna marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed.

Wasiir Goodax ayaa ku goodiyey inay si adag ula xisaabtami doonaan, ayna ku daba joogaan Booliska dadka caadeystay inay imtixaanka siyaasadeeyaan, iyadoo maanta 22-ka July 2020 la soo gabagabeyn doono Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON