Friday, March 28, 2025

Wasiir Goodax: “Arrinta aan isku mari weynay Puntland waa mabda’ ee ma aha farsamo”

Kulan dhex maray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre iyo Gudiga arrimaha bulshada Aqalka Sare ayaa looga hadlay khilaafka soo kala dhex galay Wasaaradaha Waxbarashada Federaalka iyo Puntland.

Wasir Goodax oo ka hadlay kulanka kadib ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay senatoorada kasoo jeeda Puntland iyo kuwa guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo uu sheegay inay kaalin weyn ayay ka galeen, isagoo qiray inaysan ahayn inuu khilaafkaasi dhasho, rajana uu ka qabo inuu arrintaasi dhex galaan.

Ad

“Maanta waxaa na dhex maray dood fiican, talo wadaag iyo in xal loo helo arrinta ay isku mari waayeen wasaaradda waxbarashada Federalaka iyo tan Puntalnd ee arrimaha imrixaanka… waxaan rabaa inaan sheego Puntland waxay leedahy waaya-aragnimo muddo dheerad ah, fursad muddo dheerna heleen, waana ka faa’iideysteen, wax badan waa looga dayan karaa” ayuu qiray Wasiir Goodax..

Isagoo ka hadlay arrinta imtixaanka ee ay isku mari waayeen labada dhinac ayuu sheegay inay ahayd arrin mabda’ ah ee aysan ahayn farsamo, wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahiyo, wuxuuna yiri : “Senatoorada iyo Guddiga arrimaha bulshada Aqalka sare meel fiican ayay dhigeen inay is afgarad suuragalin karaan waan aaminsahahay.. wax aan isla soo dhoweynay, lakiin taladu iyagu kama go’do” ayuu yiri wasiirka waxabrashada xukuumadda Soomaaliya oo sheegay inay diyaar u yihiin in Puntalnd kala shaqeeyaan wax alla wixii aan awoodno oo an dhaawaceynin mabaadii’ lakale.

Wuxuu ka cudurdaaray erey uu adeegsaday mariii uu ka hadlayay imtixaanka Puntland, isagoo sheegay inuu khaldanaa ereyga carabiga ahaa,, laakiin uusan isagu ka hadlin Shahaada Puntland iyo inay khalad tahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON