Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa wareegto uu soo saaray shaqadii uga joojiyey Maareeyihii Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (National Identification).
Shaqo ka koojinta maareyaha hay’addan Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey) ayaa sabab looga dhigay shaqo Xumida Maareeyaha Hay’adda ee kala dhaxaysa Hay’addaha ka caawin lahaa dhaqangelinta Aqoonsiga Dadweynaha iyo Wadashaqeyn la’aanta joogtada iyo Daahfurnaan la’aanta dhanka shaqada ah ee uu Maareeyuhu caadaystay.
Arrintan ayaa imaaneysa iyado Mashruuca Diiwaangelinta uu dib u soo cusboonaaday, isla markaana uu jiro qorshe dhaqaale badan ku baxayo oo la doonayo in la fuliyo.
Agaasimaha xilka laga joojiyey ayaan ka hadlin eedaha badan ee uu usoo jeediyey wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka oo dhowaanahan ku howlan xil ka qaadis iyo magacaabis.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA WASIIR FIQI XILKA UGA QAADAY AGAASMIHII HAY’ADDA DIIWAAN GELINTA IYO AQOONSIGA DADWEYNAHA
Ku: Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.
Ku: Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed
Og: Wasir Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Og: Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Arrimaha Guddaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisinta
Og: Ra’iisul Wasaaraha XFS
Ujeeddo: Shaqo ka joojin
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta;
Markuu arkay: Qodobka102aad ee Dastuurka KMG ee JFS.
Markuu Arkay Sharci Lr.30 ee 30 Juun 1984kii ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Markuu arkay: Qodobbadda 8aad iyo 10aad ee Sharciga Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.
Markuu arkay: Shaqo Xumida Maareeyaha Hay’adda ee kala dhaxaysa Hay’addaha naga caawin lahaa dhaqangelinta Aqoonsiga Dadweynaha,
Markuu arkay: Wada shaqeyn la’aanta joogtada iyo Daahfurnaan la’aanta dhanka shaqada ah ee uu Maareeyuhu caadaystay.
Markuu Arkay in Maareeyuhu Caqabad uu ku yahay Fulinta iyo Dhaqangelinta hawsha Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ka mid ah hawlaha hortabinta u leh XFS.
Markey Cadaatay: in Maareeyuhu uu gacanta kula jiro hawlo ka baxsan hawlihii loo igmaday ee Hay’adda.
Markuu tixgeliyay: baahida loo qabo in la abuuro Jawi ku dhisan wada shaqeyn, Daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo in la socodsiiyo, lana dardargeliyo mashruuca Aqoonsiga Dadweynaha.
Wuxuu xeeriyay:
Qodobka 1aad:
Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/10/2022 waxaa shaqo ka joojin si ku meelgaar ah loogu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mudane: Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).
Qodobka 2aad:
Waxaa hawlaha Shaqada Hay’adda si kumeelgaar ah usii wadaya Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda oo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ee Hay’adda.
Fulin Wacan
Mudane: Axmed Macallim Fiqi
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS