Wednesday, May 1, 2024

Wasiir Fiqi oo difaacay taageerada Xukuumada ee maamul Axmed Madoobe u magacaabay Gedo

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa difaacay taageerada ay dowladda Federaalka taageertay Maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay Gobolka Gedo.

Isagoo ka hadlayay Dood xisbiga Madaxweynaha ee UPD ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku saxan yahay magacaabidda maamulka cusub gobolka Gedo, maadaama gobolkaasi uu ka mid yahay Jubaland.

Xukuumadda ayuu sheegay inay ku saxan tahay nay ku tagaeerto jubaland maamulka loo magacaabay Gobolka Gedo si la mida dhammaan maamullada kale ee dalka ka jira, taasina ay tahay nidaamka Federaalka.

Ad

“Dowladda Federaalku mowqifkeedu waxaa weeye maamulkii halkaas laga soo magacaabay ayey ayiday, sida ay u ayidsan tahay midka Sh/Dhexe, Sh/Hoose, Bakool iyo Galgaduud jooga.. wixii bulshada u dhaxeeya waa in la xaliyaa, waana lagu jiraa, Gobolka Gedo xalkiisa waa la gelayaa..” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa ka jawaabayay su’aal laga waydiyay khilaafka gobolka Gedo oo sii xoogeystay dhawaan kadib markii maamulka cusub loo magacaabay, kaas oo ay ka horyimaadeen siyaasiin ka soo jeeda gobolka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON