Wednesday, October 16, 2024

Wasiir Fiqi: “Itoobiya waa Dad aan wallaalo nahay, laakiin waxaan is heynaa…”

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu oo hore u ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdiga IGAD, wuxuuna sheegay inay dowladda casuumaad u fidisay wafdiga IGAD.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen Wasiir Fiqi iyo Xoghaye Dr. Workneh  Gebeyahu, kadib kulankii ay yeesheen ayey ku sheegeen inay ka wadahadleen sidii ay Soomaaliya xubin firfircoon uga noqon lahayd IGAD, la iskuna afgartay in Somaliya laga dhiso xarunta Blue Economy ee IGAD.

Ad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaaciyay inay Soomaaliya dooneyso in shirarka IGAD lagu qabto dalkeena oo ay qeyb ka hesho shaqooyinka ay qabto IGAD, iyo doorka ay Soomaaliya ku yeelan karto in Sudan lagu soo celiyo ururka IGAD.

Wasiir Fiqi wuxuu xusay inay kulankooda uga hadleen xiisada ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna ku taliyeen inay kaalinteeda ka qaadato arrinta dhex taalla Itoobiya.

“Itoobiya shacabkeeda waa dad aan walaallo iyo deris nahay , laakiin Dowladda meesha ka talisa ayaan wax isku heynaa oo ah MOU-gii (Is-afgaradki), waxaana rajeynaynaa in xaaladu xalisanto oo caqligu soo laabto” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

- Advertisement -

Xog-ahayaha Urur gobaleedka IGAD, ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta, xoojinta Amaanka Gobalka, wax ka qabashada xaaladaha kala duwan ee uu wajahyo gobalka, sida isbeddelka Cimillada, sugnaanta cuntada, nabadda, Awood-siinta Haweenka iyo dhalinyaradda oo door wannaagsan ku leh geeddiga horumarineed ee bulshada geeska Afrika.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON