Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi la socda ayaa maanta gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galagaduud, isagoo daba socda xaaladda ka dhalatay Hubkii iyo saanadii ay dadka degaanka boobeen dhowaan.
Wasiirka kulan hordhac ah la qaatay waxgaradka Caabudwaaq oo uu hoggaaminayey Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa u sheegay inay degaanka u yimaadeen sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida.
Wasiir Fartaag ayaa u xaqiijiyay Beesha Caabudwaaq inay dowladda Federaalka cadaawad ku qabin dadka degaanka, isla markaana aanu jirin duullaan ama weerar ay ku qaadeyso, wuxuuna intaas ku daray in arrimaha kale ay si hoose uga hadli doonaan.
Wafdiga waxaa ka horeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel oo isaguna kasoo jeedo degankaasi. Qorshaha uu wato wasiir Fartaag ayaa ah sidii dib loogu soo celin lahaa Hubkii ay bililiqeysteen maleeshiyada iyo dadka degaanka.