Monday, March 24, 2025

Wasiir Cismaan Dubbe oo beeniyay Ka-noqoshada Dacwadda Badda ee qabsaday Baraha bulshada

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa beeniyay warar si weyn loogu baahiyey Baraha bulshada oo ku saabsan in dacwadda Kiiska Badda laga soo celinayo Maxkamadda ICJ.

Wasiir Dubbe oo dalka ka maqan ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan..”

Wuxuu beeniyey jiritaanka wararka sheegaya in ay dalka Qatar ku kulmayaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya. “Xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar.”

Ad

Wuxuu kaloo ka hadalay arrinta Kiiska Badda, isagoo sheegay in la sugayo go’aanka Maxkamadda. “Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda”.

Waxaa Baraha bulshada si weyn ugu faafay War uu qoray Nin reer Qatar ah oo ku saabsan suuragalnimada in Soomaaliya dacwadda kasoo celiso Maxkamadda ICJ, marka ay magaalada Doha ku kulmaan Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON