Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka hadlay iska hor imaad caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
“Waxaan ka xumahay wixii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama urajaynayaa iyo in alle ubooga dhayo Saraakiishii, Shacabkii iyo Askartii ku dhaawacantay Falkaasi” ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.
Wuxuu sku eedeeyay wasiirka arrimaha dibadda inuu siyaasad ma-dhaleys ah iyo khalkhal Amni ka waday Gaalkacyo. “nWaxaan rabaa inaan u caddeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo u yimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo”
Xildhibaan C/ladiif Muuse oo weli kahaya xilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa baaq u diray dadka Gobolka Mudug, isagoo yiri: ” Waxaan fariin halkan uga dirayaa Dhamaan Bulshada Gobolka Mudug Dal iyo Dibed waxaad haysataan amni iyo Nabad maanta la isku halayn karo in badan oo kamida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mudug wax kasta oo wax udhimi kara nabada Gobolka Mudug”

