Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa su’aalo adag maanta kala kulmay xildhibannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo la weydiiyey su’aalo adag oo ay ka mi dtahay xisaab-xirkii miisaaniyadda ee dowladii hore.
Wasiirka iska difaacay su’aalaha culus iyo eedeynta loo jeediyey intii uu joogay Wasaaradda Maaliyadda oo ah xisaabxir la’aanta 4 sano oo ka mida shantii sano ee dowladii hore ay talada heysay, wuxuuna sheegay inay sameeyeen xisaabxir mas’uuliyaddana uu leeyahay Baarlamaamkii 10-aad.
“Waxaan halkan ka caddeynayaa in 4-ta sano aan caddeyn u hayo iyadoo saxiixan xisaabxirradii aan sameynay.. Baarlamaankii 10-aad ayaa leh mas’uuliyadda..” ayuu yiri Wasiir Beyle oo eeda dusha ka saaray baarlamaankii hore.
Xisaabxirkii 2018 ayuu sheegay inay Hanti dhowrka ay u gudbiyeen April 28, 2019, halka Golaha wasiirada ay ansixiyeen September 18, 2019/ Baarlamaanka 26 September 2019. Sidoo kale Baarlamaanka la geeyay Septembar 2019, iyadoo uu maray akhriskii koowaad iyo labaad.
Dhinaca kale Xisaabxirkii miisaaniyadda 2019 ayuu shegay inay Hanti dhowrka u direen April 30, 2019, kadibna Baarlamaanka la geeyay 30 Disembar 2020.
Wasiir C/raxmaan Beyle ayaan ka hadlin Xisaabxirka sanadihii 2020 iyo 2021, balse wuxuu ku dooday in xisaab xir la’aan aanay shaqeyn karin Wasaaradda maaliyadda, isla markaana mas’uuliyadda xisaabxirka ay tahay mid la taalla Baarlamaankii 10-aad.
Jawaabaha Wasiirka sii haya wasaaradda maaliyadda waxaa ka hor yimid xildhibanano ay ka tmid tahay Guddoomiye kxuigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo caddeeyay inaysan jirin xisaabxir la ansixiyey afar sano.
Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dalbatay inuu Wasiir Beyle soo bandhigo cidda u ansixisay miisaaniyadda 2018, 2019, 2020, 2021, taasoo aan dhicin.
Guddoomiye Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in qoraallada uu Wasiirka Maaliyadda u soo gudbiyey ay ku caddahay in xisaab-xirrada miisaaniyadda sanadihii 2018, 2019, 2020, 2021 loo gudbiyey Hanti-dhowrka, balse aanu Baarlamaan ansixin.