Wasiirka Maaliyadda xukuumadda xilgaarsiinta C/raxmaan Ducale Beyle ayaa sheegay in dowladda aysan wax lacag ah heynin, kadib markii beesha caalamka ay ka jartay lacagtii kabka ahayd ee ay sii jirtay.
Wasiir Bayle oo wareysi lagula yeeshay Baraha bulshada ayaa shaaciyey in wixii ka danbeeyay bishii Ogost 2020 ay mushaarka ku bixinayaan lacago ay hore u siiyeen dowladda dalalka Sacuudiga iyo Qatar, iyagiina ay dhammaadeen Disembar 2020.
“Lacagihii kabka ee dunida Ogost sannadkii hore ayaa nagala ka joojiyey, xoogaa Sucuudiga iyo Qadar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay ilaa Disembar, iyagiina dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda haddaad i fahmeyso” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda xukuumadda xilgaarsiiinta oo ka deyriyey xaaladda dhaqaale ee dowladda xilligan oo madaxdeeda uu dhammaaday muddo xileedkoodu.
Wuxuu sheegay in dhaqaalaha gudaha ka yimaado aanu dhaafsiisneyn 30%, inta kalena ay ahaayeen deeq dibadda ka timaada, iyadiina la goostay oo hadda loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato.
Khilaafka Beesha Caalamka kala dhaxeeya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kasoo bilowday qaabkii loo riday xukuumadii hore ayaa keenay inuu sii xumaato kalsoonida Beesha caalamka ku qabto nidaamka Farmaajo, iyadoo laga cabsi qabo in la bixin waayo bilaha soo socda mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda.
