Tuesday, October 3, 2023

Wasiir Arrimaha Dibadda oo ka jawaabay Arrin ka dhacday Diyaarad uu la saarnaa RW Xamza

Waxaa I soo gaarey farriimo badan iyo fasiraad siyaabo badan looga bixiyey sawir laga qaaday aniga iyo Ra’isul Wasaaraha oo dhegeysaneyney nin odey ah oo Soomaali ah kana mid ahaa rakaabka diyaaradda nala saarnaa oo fadhiyey safka kowaad ee qaybta dambe ee diyaaradda (economy class).

Aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha oo kasoo kacnay qaybta hore ee diyaaradda si Ra’isul Wasaaruhu u salaamo dadka Soomaaliyeed ee diyaaradda saarnaa ayaan la kulannay mudane Cumar Maxamed Cabdulle oo ah odey Soomaaliyeed oo deggan dalka Canada inta baddana usoo safra oo kusoo noqnoqda waddanka.

Cumar oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee Ra’iisul Wasaaruhu salaamo ayaa salaan ka dib uga warramay caqabado uu kala kulmo markasta oo uu waddanka imaanayo.

Ad

Intaas ka dib, ayaa Ra’isul Wasaaruhu aniga iyo Cumar is kaaya baray una sheegay xilka aan dawladda ka hayo cabashadiisuna khuseysay, Waxaan u soo hor fariistay adeer Cumar sida dhaqankeenna, diinteenna iyo sunnada wanaagsani qabto oo ah ixtiraamka uu mudan yahay qof muslim ah, waayeel ah, musaafir ah, haddana Soomaali aan adeege u ahay ah.

Marnaba sax ma hayn in aan kor istaago oo isaga oo kor ii fiirinaya uu ila hadlaa, Wax ka wanaagsan ma sameeyeen in aan dabacsanaan, baarrinimo iyo nuglaan ku dhegeysto waxna ka qabto baahidiisa ma ahine, iyadii ayaanna sameeyey.

Allah idankiis, inta uu sheegtayna waan ka shaqaynayaa aniga oo la kaashanaya masuuliyiinta iyo saaxiibbada kale ee ay khusayso.

- Advertisement -

Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u nuglaado, hoos fariisto, marnaba aanan iska weyneyn dadka aan u adeego, Waxaana I faraya diinteenna, dhaqankeenna iyo damiirkayga, xilka aan ummadda u hayaana waxba ka bedeli maayo shaqsiyadayda iyo dareenkayga dhabta ah.

W/Q: Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliya

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!