Friday, March 28, 2025

Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo shaacisay tirada Ardayda galeysa Imtixaanka Sanadkan & Xarumaha

Wasiirka Waxbarashada Hidaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa shaacisay maanta tirada Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare iyo goobaha lagu gelayo imtixaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in 19-ka bishan May 2018 uu bilaabanayo Imtixaanka oo ay gelayaan dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 oo fariisanaya Imtixaanka Shahaadiga.

Wuxuu sheegay in 27,600 Arday ay sanad dugsiyeedkan u fariisaneyaan Imtixaanka, iyadoona lagu kala gali doono in ka badan 120 Xarumood oo ka tirsan Gobalka Benaadir iyo Afar Maamul Gobaleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbland.

Ad

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 1400 oo arday oo la qorsheynayay inay Imtixaanka Qaran ku galaan Beledweyne uu dib ugu dhacay Fatahaada Wabiga Shabeelle awgiis, isagoo shaaciyay inay dib ka gali doonaan.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta meel kasta ay joogaan inay ka qeybqaataan hab sami u socodka iyo fududeynta hawshan Qaran, wuxuuna ugu baaqay Ardayda Imtixaanka galeysa inay la shaqeeyaan oo ay u dhaga nuglaadaan ilaalada iyo kormeerayaasha Imtixaanka.

Sanadkan waa sanadkii ugu horeeyay ee Imtixaan Qaran lagu diyaariyo Dalka gudahiisa muddo 27-sano ka dib waana guul usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON